1152 Views

SAWIRO:-Kheyre oo Dhagax-Dhigay Dhismaha farac ka mid ah jaamacadda umadda

SAWIRO:-Kheyre oo Dhagax-Dhigay Dhismaha farac ka mid ah jaamacadda umadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 06, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dhisme ka kooban seddax dabaq oo leh 36 fasal, Maktabad iyo hool shirar oo lagu kordhinayo faraca jaamacadda umadda ee Caabuudwaaq kaas oo bulshada deegaanku ay is-xilqaan ku dhisanayaan.

 

Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan labad gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dadaalka ay ku dhisamayaan jaamacadda ummadda si ay uga qayb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee dalka

 

 

 

Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayn in ay gacan ka geystaan dhismaha jaamacadda si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

 

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha jaamacadda qeybteeda Cabudwaaq oo ah qaybta kaliya ee Jaamcaddu ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda dalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment