6990 Views

Muungaab oo xilki laga qaaday iyo Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Gobolka Banadir loo magacaabay.

Muungaab oo xilki laga qaaday iyo Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Gobolka Banadir loo magacaabay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 October, 2015: War ka soo baxay Madaxtooyada ayaa sheegaya in Guddoomiyaha cusub Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, kadib markii xilkaas laga qaaday Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Sida an warka ku helnay, warqada magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa goor dhow ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha inta uu u amba bixin wadanka Sacudi Carabiya, taas oo saacadaha soo socda lagu wado in si rasmi ah ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u faafin-doonto.

Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys ayaa xaqiijiyay in Xasan Maxamed Xuseen Muungaab xilka laga qaaday, isla markaana Madaxweynuhu uu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in Mr Yuusuf uu gacanta ku heysto warqadiisa magacaabista, uuna kaliya sugayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay si rasmi ah uga dhawaaqdo.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay saacado ka hor safar Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gelinka dambe ee maanta ugu ambabixi rabo Boqortooyada Sacuudiga Carabiya.

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Mr Muungaab ayaa ku soo aaday, iyadoo uu Muqdisho ka maqan yahay, isla markaana ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu howlo shaqo u joogo.

Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku soo waxbartay dalka Masar, waxaana uu ka mid ahaa Xisbigii Madaxweyne Xasan Sheekh ee PDP, isagoo ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha.

Lama oga sabata keentay in la bedelo Mungaab asaga oo Wadanka dibada uga maqan. balse la arki doonee wixi ka soo baxa.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment