1077 Views

Ku dhawad 8 qof oo ku dhimatay dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay toddobaadkan gobolka Tigray.

Ku dhawad  8 qof oo ku dhimatay dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay toddobaadkan gobolka Tigray.
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

gu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay toddobaadkan gobolka Tigray.

Dadka waxay kasoo horjeedeen wafddii dowladda ay u soo dirtay Tigray si kulamo looga hadlayo arrimaha amniga ula yeeshaan dadka deegaanka.

Dadka dibadbaxyada ka dhigayay caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa ku eedeeyay wafddiga inay taagarayaan howlgalka militeri ee Abiy uu ku qaaday gobolkaas.

Waxay sidoo kale sheegeen in wafddiga aysan dhag jalaq u siin cabashadooda.

Waxaa xiran xarumaha ganacsiga caasimadda Tigray, waxaana hakad galay gaadiidka dadweynaha, sida BBC ay u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post