624 Views

Mareykanka oo markale baaq la xiriira doorashada u diray Madaxda Soomaalida

Mareykanka oo markale baaq la xiriira doorashada u diray Madaxda Soomaalida
____________________________________________________________________________

Dowladda Mareykanka ayaa markale  waxaa ay ugu baaqday Madaxda Soomaalida inay si deg deg ah u soo geba-gabeeyaan doorashada Soomaaliya ka hor inta uusan dhamaan Sanadkaan 2021.
Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa marka hore lagu bogaadiyay Madaxda Shanta dowlad Goboleed dhameystirka doorashada Aqalka Sare, balse la sheegay in la joogo waqtigii la soo geba-gabeyn lahaa doorashada Golaha Shacabka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar yahay dhaqaalaha loogu talo galay doorashada balse ay muhiim tahay in horay loo socdo lana dhameystiro doorashooyinka.

“Dhaqaale ayaa diyaar ah si loo dhamaystiro qayb muhiim ah oo ka mid ah doorashooyinka Golaha
Shacabka, taas oo ay ugu wacan tahay khidmadaha diiwaangelinta musharraxiinta ee horay looga soo ururiyay iyo qaaraanka ay ka heleen saaxiibada Soomaaliya, oo uu ku jiro Mareykanka ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalin ka hor sheegay in 16 Bishaan ay bilaabi doonaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, isla markaana ay kusoo geba-gabeyn doonaan 24-ka Bisha December, waxaana xusid mudan in la dhameystiray doorashada 54 kursi oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka Aqalka Sare.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post