3471 Views

Haweeney u hadasha ka hortagga Gudniinka Fircooniga oo lagu weeraray magaalada London

Haweeney u hadasha ka hortagga Gudniinka Fircooniga oo lagu weeraray magaalada London
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 5, 2016: Hibo Wardhere oo ah Haweeney u ololeysa mamnuucida gudniinka fircooniga, ayaa lagu weeraray bas dhexdiisa kadib markii ay booqasho ku tagtay qaar ka mid ah goobaha waxbarashada ee magaalada London.

Hibo Wardhere oo 46 sano jir ah ayaa ku nool dalka Ingiriiska waxayna u ololeysaa sidii loogaga hortagi lahaa gudniinka fircooniga ah iyadoo si cad ugaga soo horjeesatay gudniinka oo saameyn ku leh 200 oo malyan haween ah oo ku nool soddon dal oo caalamka ka mid ah.

Gabadhaan Soomaalida ah ee u ololeysa ka hortagida gudniinka ayaa u sheegtay wargeyska Evening Standard ee magaalada London in lagu weeraray xilli ay saarnayd bas gudaha magaalada London.

“Arrin cabsi leh ayaa igu qabsatay baska  257 ee Walthamstow.Haweeney niqaab leh ayaa I aqoonsatay wayna igu soo carartay iyadoo ku qeylinaysa magacayga isla markaana dhahaysa ‘Waxaad tagtay iskuulkii ay carruurteydu dhiganayeen waxaadna ku tiri gudniinka Fircooniga waa xadgudub.’ayay tiri Hibo.

Waxa ay intaa ku dartay intaasi inaysan aqoonsan karin haweeneyda soo weerartay “Waxaan arki karay indhaheeda oo kaliya, waxaana ka buuxay neceyb, Aad ayay u xanaaqsanayd baskana waa laga dejiyay, balse aniga gudaha ayaan u galay anigoo ku faraxsan in carruurtii aan waxbaray ay waalidkood la hadlayaan.”

Waxaa soo badanaya haweenka u ololeeya mamnuucida Gudniinka Fircooniga oo ku nool dalalka Yurub, Dhamaadkii bishii aynu ka soo gudubnay ayuu Ra’iisal Wasaare Sharma’arke taageeray dadaalada lagu doonayo in loogaga hortago gudniinka fircooniga.

Haweeney u ololeysa kahortagga gudniinka Ifrax Axmed oo la kulantay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashid Cali ayaa ka dhaadhicisay inuu saxiixo buug ay dadka diidan gudniinka saxiixaan.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka caalamka ee gabdhaha lagu gudo gudniinka fircooniga loo yaqaan, waxaana socday labaatankii sano ee la soo dhaafay ololayaal loogaga hortagayo gudniinkan naafeeyay gabdhaha Soomaaliyeed.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment