417 Views

Mid kamid ah ragga ugu taajirsan Ukraine oo ku dhintay duqeyn xoogaan ee Ruushka ka geystay Mykolaiv.

Mid kamid ah ragga ugu taajirsan Ukraine oo  ku dhintay duqeyn xoogaan ee  Ruushka ka geystay Mykolaiv.
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 1, 2022

Mid kamid ah ragga ugu taajirsan Ukraine ayaa ku dhintay duqeyn xoogaan uu Ruushka ka geystay magaalada koonfurta ku taalla ee Mykolaiv.

Oleksiy Vadatursky, 74, iyo xaaskiisa Raisa ayaa dhintay markii xaley uu gantaal ku dhacay ku dhacay gurigooda, sida ay ku warrantay warbaahintaa Ukraine.

Mr Vadatursky wuxuu lahaa shirkad dhoofisa qamadiga oo lagu magacaabo Nibulon.

Ninkan ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Halyeeyga reer Ukraine”

Duqa magaalada Mykolaiv, Oleksandr Senkevych ayaa sheegay in duqeymihii ugu xoogganaa ay ka dhaceen magaalada.

Wuxuu intaa ku daray in duqeymaha Ruushka ay burburiyeen maqaaxi, goob kubadda lagu ciyaaro, iskuullo iyo guryo.

Magaalada Mykolaiv waxay ku taalla waddada weyn ee aada gobolka Odesa oo ay ku taal dekedda ugu weyn Ukriane halkaas oo si joogto ah ay u duqeeyeen ciidamada Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post