420 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo  xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster.

Ugu horreyb Danjiraha Dowladda UK ayaa marka hore Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha  iyo in ay si buuxda u taageeri doonto  tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaallada dowladda Ingriiska ay ku taageerayso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday”. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada kulamo ay la yeelanayaan qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post