1077 Views

Xoghayaha cusub ee Bariga Afrika oo ka hadlay goorta ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ku biirto ururka

Xoghayaha cusub ee  Bariga Afrika oo  ka hadlay goorta ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ku biirto ururka
____________________________________________________________________________

May 11,  2021

Xoghayaha cusub ee Waddamada ku bahoobay Bariga Afrika Dr. Peter Mathuki ayaa ka hadlay goorta ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ku biirto ururka. Wuxuu sheegay in ay bilaabeen howlihii hordhaca ahaa ee diyaarinta dalka ee ku biirida ururka ay ku midoobeen dalalka Bariga Afrika.

“Arrintaas waxay aheyd codsi, waxay arrinta taagan tahay bilowgii, markaa waxaan u gudbinnay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiso, waana xiriirka ugu horreeya ee dhexmara dal doonaya in uu kusoo biiro ururka” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in arrinta ay kala caddaan marka uu bilowdo ka hadalka codsiga Soomaaliya ee ku biiridda ururka EAC.

“Waana bilaabnay arrintaas haatan, waxaan rajeyneynaa kol haddii howashu bilaaw tahay in la gaari goor ay wax kala caddaadaan oo la gaari doono kolka uu biilaabmi doono ka hadalka kusoo biiridda dalkaas” ayuu yiri Dr. Peter Mathuki.

Waddamada ku buhoobay ururka Bariga Afrika ee EAC waxaa kamid ah Kenya, Rwanda, Burundi, Uganda iyo Tanzania.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post