1443 Views

Wadooyinka Muqdisho Oo Xiran Iyo Caawa Oo Ay Martigalisay Qarax Horleh !!!

Wadooyinka Muqdisho Oo Xiran Iyo Caawa Oo Ay Martigalisay Qarax Horleh !!!
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL April 04, 2019 –Qarax xooggan ayaa goor dhow oo fiidnimada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay magaalada oo dhan.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa dhacay abaarihii 7da Fiidnimo, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Agagaarka Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ama School Polizio ee degmada Xamar Jajab, si rasmi ah looma oga, waxaana la arkayay qiic iyo uuro.

Qaraxan caawa fiidkii dhacay ayaa ku soo aaday, iyadoo ammaanka Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, isla markaana la xiray waddooyin badan oo Caasimadda ku yaalla.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment