1413 Views

Xaniifa Xaabsade oo ku eedaysay maamulka Koonfur Galbeed iney u dhaceen Guriga hooyadeed

Xaniifa Xaabsade  oo ku eedaysay  maamulka Koonfur Galbeed iney u dhaceen Guriga hooyadeed
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 15, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Hooyada dhashay Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim “Xaabsade  loogu tagay Gurigeeda.

Xaniifa Maxamed Ibraahim “Xaabsade ayaa ku eedaysay maamulka lafta Green in uu ka danbeeyay kadib kala aragti duwanaansho siyaasada haatan jirta in uu isku dayayo in uu Caburiyo Qoyskeeda oo ay sheegtay in Guriga Hooyadeed la dhigay Ciidamo badan oo la qal qal galiyay.

Wasiiradda ayaa intaa ku dartey iney jireen waayadan kala fikir duwanaansho u dhaxeeya iyada iyo Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed, Cabdulcasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen

Sidoo kale wasiirada ayaa qoraal ay soo dhigtay Bogeeda ku sheegtay fariintaas, waxayna fariinta u qorneed sidaann.

Hanifa Habsade

2 Saacaddood ka hor

Waxaan kaxumahay kaladuwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest in ay kasocdaan tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay

Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah

Ciidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan koonfurgalbeed ku xareeraysan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post