870 Views

Wareerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wareerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

Wararka aan ka heleeno meel duleedka ka ah Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ku dhex maray Ciidamo ka tirsan kuwa Haramad iyo dagaalamayaal ka mid ah Al-shabaab.

Sida la xaqiijiyay dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka Booliska Haramcad ku leeyihiin deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida ay illo deegaanka ay xaqiijiyeen dagaalka labada dhinac, waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waloow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay, maadama xili habeen uu dagaalka dhacay.

Sidoo kale, Dadka deegaanka ay ayaa xaqiijiyay inay maqliyeen hubka culus ay isku adeegsanayaan Ciidanka Haramcad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in mararka qaar ay guryaha ugu soo galayeen.

Laamaha ammaanka ee Booliska Soomaaliya kama aysan soo saarin wax faah faahin ah dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post