888 Views

Haweeney saacado qaali ah abaalmarin uga dhigtay shaqaalaheeda oo cambaareyn kaddib xilka iska casishay

Haweeney saacado qaali ah abaalmarin uga dhigtay shaqaalaheeda oo cambaareyn kaddib xilka iska casishay
____________________________________________________________________________


Madaxii shirkadda boostada dalka Australia ayaa xilka iska casishay kaddib markii ay afar ka mid ah shaqaalaheeda abaalmarin ahaan u siisay saacado qiimahoodu yahay A$20,000 (£10,500; $14,000).

Christine Holgate, oo ahayd madaxa shirkaddaas tan iyo sanadkii 2017, ayaa la kulantay cambaareyn xooggan, iyadoo dad badan ay falkaas u arkeen in lacgu cayaarayo lacagta dadweynaha.

Haddiyadda saacadaha Cartier ayay Holgate siisay shaqaalaheeda sanadkii 2018, guddi baarlamaanka ah ayaase arrintaas baaritaan ku sameeyay.

Ra`iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay inuu ka xun yahay arrintaas.

Mar uu bishii la soo dhaafay ka hadlayay arrintaas ayaa Mr Morrison wuxuu ugu baaqay haweeneydan ka soo jeedda dalka Britain inay xilka iska casisho.

Wuxuu sheegay in lacagaha la siiyo shirkadda boostada ay ka timaadda canshuur bixiyeyaasha Australia, ayna tahay in lacagtaas loo kharash gareeyo si ay ku qanacsan yihiin canshuur bixiyeyaasha.

Australia Post waxaa maamula guddi madax bannaan balse waxaa leh dowladda Australia.

Maanta ayay Ms Holgate ku dhawaaqday inay xilka iska casishay.

Ms Holgate ayaa mar walva difaacda go`aanka ay haddiyadaha ku siiso shaqaalaha qabtay shaqooyinka wanaagsan, iyadoo tiri “Waa inaad ka mahadcelisaa isla markaana abaalmarin ku bixisaa dhaqanka wanaagsan”.

Waxay sheegtay in shaqada ay qabteen shaqaalahaas ay shirkadda u soo jiidday maalgashi dhan A$220m, isla markaana ay horumarisay dhaqaalaha shirkadda.

Australia Post ayaa door weyn ka cayaartay dalkaas, xilligan oo uu socdo xanuunka safmarka ah ee coronavirus, iyadoo ah shirkadda ugu weyn ee alaabaha ay dadku dalbadaan u geysa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post