864 Views

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump oo lagu tilmaamay Madaxweynihii ugu beenta Badnaa maraykanka..

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump oo lagu tilmaamay Madaxweynihii ugu beenta Badnaa maraykanka..
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 9, 2021 

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaa inta badan lagu eedeyn jiray in uusan runta qaddarin jirin. Sidaasoo ay tahayna qaar ka mid ah madaxweyneyaashii ka horreeyay ayaa soo sheegi jiray been isugu jirta mid layaab leh iyo mid naxdin leh intaba. Haddaba waa sidee marka la is barbar dhigo iyaga iyo Trump?

Markii Saadaam Xuseen uu qabsaday boqortooyada Saliidda hodanka ku ah ee Kuwait bishii August ee sanadkii 1990-kii, Madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka, George HW Bush, waxa uu si caro leh u yidhi: “Arrintan ma istaagi doonto.”

Laakiin xilli ay ciidamada Mareykanka kusii qulqulayeen Khaliijka, shacabka Mareykanka waxay shaki ka muujinayeen marmarsiiyada loo heysto in la qaado tallaabo militari.

Dowladdii Kuwait oo dibadda ka joogtay waddankeeda ayaa shaqaaleysiisay shirkad Mareykanka laga leeyahay oo ka shaqeysa xiriirka dadweynaha, oo lagu magacaabo Hill & Knowlton, taasoo xafiiskeeda Washington DC uu maamulayay madixii hore ee golaha Wasiirrada Bush.

Shirkadda ayaa soo diyaarisay marqaatifur ay sameyneysay gabar 15 jir ah oo magac looga dhigay “Nayirah” taas oo Golaha Wakiillada Mareykanka ilayoo ilmeyneysa u sheegtay Bishii October, 1990, in ciidamada Ciraaq ay gudaha u galeen isbitaal ku yaalla KUwait, kaddib ay carruur dhalooyinka lagu xannaaneeyo ku jira ka saareen dhulkaoo qabow ahna u dhigeen si ay u dhintaan.

Wariyeyaasha ayaa loo xaqiijiyay in Nayirah ay magacaas u isticmaaleysay cabsi ay ka qabtay in qoyskeeda lagu dhibaateeyo waddankeeda.

Hase yeeshee markii uu dagaalka dhammaaday waxaa la ogaaday in gabadhaas uu dhalay safiirkii Kuwait u fadhiyay Mareykanka. Sheekadeedana waxay ahayd mid aan gabi ahaanba sal iyo raad toona lahayn, sida uu John MacArthur ku sharraxay buuggii uu ka qoray dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii.

Bush waxaa warbaahinta laga duubay isagoo sheekadan soo xiganaya ugu yaraan lix jeer, si uu buunka dagaalka u afuufo.

“Ilmo ayaa laga saaray dhalooyinka lagu xannaaneeyo waxaana sida qoryaha dabka lagu shido loogu daadiyay dhulka,” ayuu yidhi oo mar khudbad u jeedinayay ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Sacuudiga.

Sanadkii 1991-kii si dirqi ah ayey Aqalka Senate-ka ku ansixiyeen qaraarkii Bush ee dagaalka lagu qaadayay. Lix Senator ayaa laga soo xigtay in sheekada carruurta isbitaalka ay ahayd marmarsiiyo lagu raadinayay fasaxa dagaalka, sida MacArthur ku qoray buuggiisa.

Maalmo kaddibna waxaa la billaabay holwgalkii Saxaraha.

Haddaba waxay u muuqataa in carruurta ay run ahaantii dhinteen kaddib markii dhalooyinkooda laga saaray xilligii uu socday Dagaalkii Khaliijka. Waxaa dhacdooyinka noocaas ah si sax ah loo soo tabiyay markii ciidamada cirka ee uu Mareykanka hoggaaminayay bullaabeen duqeymaha culus.

Habeenkii ugu horreeyay ee ay duqeynta billaabatay, markii ay fiilooyinkii korontada ku go’een madaafiicda, hooyooyin naxsan ayaa carruurtooda ka saaray qalabkii dhalooyinka ahaa ee ku jireen oo dhex yaallay isbitaal ku yaalla magaalada Baqdaad, iyagoo ula cararay meel qabow ah oo ay duqeynta uga gabanayeen, halkaasna waxaa ku geeriyooday in ka badan 40 carruur ah, sida lagu xusay maqaal uu daabacay wargeyska New York Times.

Waxaa jiray dad lagu qiyaasay kumannaan qof oo lagu dilay dagaalkii socday 42-da maalmood.

Inkastoo waligeed aan la xaqiijinin in Bush uu ka warqabay in sheekada carruurta ay ahayd mid been abuur ah, haddana Aqalka Cad ayaa si guud looga filayaa in uu xaqiijiyo sheegashooyinka madaxweynaha – gaar ahaan marka ay yihiin kuwo aad naxdin u leh.

Wariyeyaasha Mareykanka waxay ku guul darreysteen in ay ogaadaan marqaatifurka beenta ah ee Nayirah ilaa intii uu dagaalka ka dhammaaday. Muranka badan wuxuu ka dhashay markii dhawaan la qoray taariikh nololeedkii soo jiidashada lahaa ee Bush iyo wararkii laga soo tabinayay madaxweynenimadiisii markii uu geeriyooday sanadkii 2018-kii.

Hase yeeshee, eedeymaha ku saabsan in madaxweynaha uusan runta qaddarineynin waxay warbaahinta xaqiijin joogto ah ku sameynayeen intii uu xilka hayay Mr Trump.

Wargeyska Washington Post ayaa haya xogta ku saabsan hadalladii Trump – oo gaaraya in ka badan 30,000 – kuwaasoo uu wargeysku sheegay in ay ahaayeen hadallo been ah ama kuwo uu madaxweynaha dadka ku marin habaabiyay.

Qaar badan oo ka mid ah hadalladaas, sida kuwa ku saabsan ciyaaraha golf-ka ama hantidiisa ama xitaa mar uu sheegay in isagoo isusoobax sameynaya uu baraf da’ay, dhammaantood wax muhiimad ah malaha.

Balse qaar kale, sida sheegasho ku saabsan in uu si ulakac ah dadka Mareykanka ugu marin habaabiyay arrimaha fayraska corona, ama hadalkii aan caddeynta lahayn ee uu ku sheegay in doorashadii Aqalka Cad ee 2020-kii lagu shubtay, ayaa noqonaya kuwo dhaawac weyn sababay.

Benjamin Ginsberg, oo ah qoraa aruuriya beenta Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyneyaasha qaarkood ay ka daran yihiin kuwa kale.

Wuxuu soo qaatay hadallo uu madaxweynihii uu dhalay Bush, ee George W Bush, dadka Mareykanka ah uga gaday si ay u oggolaadaan weerarkii uu ku qaaday Ciraaq.

Waxaa ka mid ah in uu iska dhaga tiray shakiga ay sirdoonka ka muujinayeen in maamulkii Saadaam Xuseen uu heystay hub si ba’an wax u burburin kara, iyo in uu ku doodayay inuu xitaa heysan karo nuclear uuna xulafo la yahay Al-Qaacida.

Prof Ginsberg wuxuu sheegay in hadallada beenta ah ee horseeday tallaabada militari ay ahaayeen kuwa ugu saameynta xun, Trump-na uusan ahayn mid sameeyay wax ka xun waxyaabihii ay soo sameeyeen madaxweyneyaashii ka horreeyay.

Dad badan oo ku xeel dheer taariikgda waxay sheegaan in beenta madaxweyneyaasha Mareykanka lagu eedeeyo ay kasoo billaabatay Lyndon Baines Johnson, inkastoo uusan ahayn madaxweynihii ugu horreeyay ee arrimahaas lagu sheegay.

JFK walaakiis, Robert Kennedy, ayaa mar hadda ka hor isagoo ka hadlaya Robert Kennedy yidhi: “Wuxuu si joogto ah been uga sheegaa wax kasta. Wuxuu been sheegaa isagoo aan ku khasbaneyn.”

Beenihii uu Johnson ka sheegay dagaalkii Vietnam waxaa ka mid ahaa in uu isticmaalay weerar dhinaca baddana uu sheegay in Bishii August, 1964 la fuliyay, kaas oo aan waligiis ka dhicin gacanka Tonkin balse uu doonayay oo kaliya inuu dagaalka kusii huriyo.

Madaxweynihii xilka kala wareegay, Richard Nixon, ayaa markii uu doorashada u taagnaa ballan qaaday in uu “si sharaf leh” u soo afjari doono colaaddii Vietnam, ka hor inta uusan dagaalkaas kusii xoojinin bambooyin si qarsoodi ah loogu garaacay Cambodia oo dhexdhexaad ahayd.

Haddana wuxuu qariyay fadeexaddii Watergate si uu fursad uga ilaaliyo siyaasiyiintii kasoo horjeeday. Arrintaasina waxay burburisay madaxweynenimadii Nixon.

Qaar ka mid ah beenihii ay madaxweyneyaashii xilalka hayay ee Mareykanka soo sheegeen waxay ahaayeen kuwo layaab leh.

Sanadkii 1983-kii, Madaxweyne Ronald Reagan ayaa sheegay in uu muuqaallo ka duubay falalkii arxan darrada ahaa ee ka socday meelihii loogu magac daray xeryihii geerida ee Nazi-ga xilli uu sawir qaade ahaan ugu shaqeynayay militarigii Mareykanka ee ku sugnaa Yurub.

Wuxuu sheekadaas u sheegay Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil, Yitzhak Shamir, oo markaas ku sugnaa Aqalka Cad.

Reagan waligiis kama uusan bixin Mareykanka intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Dad yar ayaa xasuusta beentaas layaabka lahayd.

Tusaale kale oo muujinaya beenta madaxweyneyaashii hore ee soo maray Mareykanka waxaa ka mid ah mid uu u bareeray William Jefferson Clinton, oo loo yaqaanno Bill Clinton.

1998-kii, ayaa Clinton lagu eedeeyay in uu galmo la sameeyay haweeney tababar shaqo u joogtay Aqalka Cad laakiin wuu beeniyay.

Baaritaan lagu sameeyay in uu been sheegayay iyo in kale ayaa lagu helay caddeymo muujiyay beentiisa

Waxay baareyaasha ogaadeen in madaxweynaha uu gabadha markaas 22 jirka ahayd ugu yeeray xafiiskiisa Oval, uuna la sameeyay ficillo la xiriira jinsiga.

Halkii uu ceeb ka dareemi lahaa maadaama uu qaranka khiyaanay, Clinton waxa yy si gaar ah nafis qaatay nafis, sida uu taariikhdiisa ku sheegay John F Harris.

Isagoo isu diyaarinayay khudbad uu jeedinayay bishii August ee sanadkii 1998-kii ayuu qof saaxiibkiis ah u sheegay in “beenta uu sheegay ay badbaadisay”.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post