384 Views

Baadarigii ugu sarreeya madhab-ka Catholic-ga diinta masiixiga Benedict XVI oo dhintay isaga oo ahaa 95 jir

Baadarigii ugu sarreeya madhab-ka Catholic-ga  diinta masiixiga Benedict XVI oo dhintay isaga oo ahaa 95 jir
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 31, 2022

Baadarigii ugu sarreeya madhab-ka Catholic-ga ee diinta masiixiga Benedict XVI ayaa dhintay isaga oo ahaa 95 jir, sida uu aqalka Vatican-ka ku dhawaaqay Sabtida maanta ah, waxaana uu dhintay ku dhawaad 10 sano ka dib markii uu noqday baadarigii ugu horreeyay ee iscasila muddo lix qarni.

“Anigoo murugeysan, waxa aan idinku wargelinayaa in Baadari Emeritus, Benedict XVI, uu maanta 9:34 subaxnimo ku geeriyooday Monastery Mater Ecclesiae ee aqalka Vatican-ka,” ayuu afhayeenka, Matteo Bruni, ku yiri bayaan uu soo saaray.

Waxa uu goor danbe wariyeyaasha u sheegay in aaskiisu ka dhici doono Khamiista, shanta bisha Jannaayo, waxaana lagu qaban doonaa fagaaraha St Peter, oo uu guddoomin doono ninka xilka ka beddelay Pope Francis.

Benedict ayaa dunida ka yaabiyay 2013-kii markaasi oo uu noqdo pope-kii u horreeyey ee xilka ka dega tan iyo lix qarni, waxaana uu sababta ku sheegay in caafimaadkiisa maskaxeed iyo jireedba uu hoos u dhacayay.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post