921 Views

Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Nin lagu eedeeyay la Shaqeynta Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Nin lagu eedeeyay la Shaqeynta Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 14 2020—Mas’uuliyiinta Sare ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo ku sugan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa Maanta soo geba-gabeeyay dhageysigda dacwadda Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab oo mar isa soo dhiibay balse si hoose ula Shaqeynayay.

Ninkaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Farxaan Maxamuud Xasan, waxaana Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay sheegtay in uu Ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Beled-Xaawo uu isku soo dhiibay, hayeeshee uu qorshooyin kala duwan uu maleegayay, isaga oo la Shaqeynayay Al-Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada cabdulalahi Buulle Kameey ayaa sheegay in eedeysanaha uu yahay Nin qatar ah,isla markaana degmada Beled-Xaawo uu ka abaabulayay falal lagu shirqoolayay Ciidamada, waxaana uu dalbaday in lagu xukumo xukun u dhigma dambiga loo heysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fadhiga Maxkamadda ka Sheegay in dhageysiga kiiska Farxaan Maxamuud Xasan la soo geba-gabeeyay, isla markaana Maxkamadda ay Go’aan kasoo saari doonto.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post