741 Views
____________________________________________________________________________

Banaanbax Looga Horjeedo Weerarkii Ciyaartoyda KGS Oo Ka dhacay Baydhaba.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa goordhow ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka Magaaladaas.

Boqolaal qof ah oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa  isugu soo baxay bartamaha Baydhabo, kuwaasi oo siweyn uga soo horjeeda weerarkii maalin kahor lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciyaartoodii meteleysay Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka dhigaaya banaanbaxa  ayaa ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin qoonimeyno Gobolka Banaadir, qoonimeyno Cadaalad darro iyo erayo kale oo ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii lagu dhaawacay Ciyaatooydii Koonfur Galbeed uga qeyb gashay tartanka maamul Goboleedyada dalka iyo  Gobolka Banaadir.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa sheegay in Ciyaartooda Koonfur Galbeed aysan marti ku aheyd Magaalada Muqdisho, isla markaana dowladda Federtaalka ka dalbaday inay si deg deg ah uga Jawaabto weerarkii lagu qaaday Ciyaartooydii KGS, kuwaasi oo lagu qaaday weerar loo adeegsaday dhagxaan, xili ay kasoo baxeen Garoonka Eng. Yariisow.

Qaar kamid ah Ciyaartooydii ka socotay Koonfurt Galbeed ayaa waxaa dhaawacyo fudud kasoo gaaray weerarkii loo adeegsaday dhagxaanta ee lagu qaaday, xili ay kasoo baxeen Garoonka kubada Caggta Eng. Yariisow, kuwaasi oo la dhigay Xarun Caafimaad.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post