1077 Views

C/raxmaan C/shakuur “ Farmaajo haddii uu xaqiiqada wajaho oo uu garto in ciidan dastuurka daafacaya oo muddo kororsiga diiddan ay Villada kaabiga ku hayaan

C/raxmaan C/shakuur “ Farmaajo haddii uu xaqiiqada wajaho oo uu garto in ciidan dastuurka daafacaya oo muddo kororsiga diiddan ay Villada kaabiga ku hayaan
____________________________________________________________________________

May-1-2021

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa goor dhawayd Bogiisa Facebook soo dhigay Qoraalkan hoos ku qoran.

Farmaajo haddii uu xaqiiqada wajaho oo uu garto in ciidan dastuurka daafacaya oo muddo kororsiga diiddan ay Villada kaabiga ku hayaan,

Raysal wasaare, shanta dowlad gobolleed, Aqalka Sare, Golaha Shacbka intiisa badan, midowga murashaxiinta, bulshada rayidka, iyo Beesha Caalamka ay muddo kororsigiisii ku diideen, uu waayey taageeradii shacabka, gaar ahaan reer Muqdisho, oo ay habeen dhaaf ugu dibad-baxayaan, warbaahintii caalamka ugu waawayneed ay subax walba sawir xun ka bixineyso,

hay’adihii xuquuqul insaankana baaritaan ku bilaabeen, liis cunaqabatayn ahna qarka u saaran yahay,

dhaqaalihiina sagxadda yahay, kuwii ugu dhowaa ka kala carareen, intii ku hartayna ku jooji halkaa leeyihiin, wuxuu qaadanayaa go’aan geesinimo leh oo uu shacabka ku macsalaameeyo, haddiise uu xaqiiqada iska indha tiro, wuxuu noqonayaa qarka iska tuur aayatiin qaldan doortay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post