456 Views

rasaas culus oo laga dhex maqlayaa xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

rasaas culus oo  laga dhex maqlayaa xarunta Wasaaradda Waxbarashada  oo ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab.
____________________________________________________________________________


Sabti: October 29, 2022

 Waxaa weli rasaas culus laga dhex maqlayaa xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya, oo ku taalla isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Dabley hubeysan oo aan tiradooda la xaqiijin ayaa gudaha wasaaradda galay, waxaana dagaal kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya oo xarunta tagay weerarka kadib iyo ciidanka ilaalada ka ah.

Weerarka iyo qaraxyada ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac xoog leh, waxaana Caasimada Online ay illaa iyo hadda xaqiijisay 10 dhimasho, dhaawacana aad ayuu uga badan yahay intaas.

Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ku dhintay taliyihii booliska ee degmada Hodan Xuseen Cadcadeed kaasoo dhawaan laga soo badalay degmada Wardhiigley, waxaana sidoo kale la dhintay qaar ka tirsan ilaaladiisas.

Sidoo kale dadka illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen waxaa kamid ah wariye Maxamed Ciise Koonaa oo u shaqeenayey M24 TV, kana mid ah suxufiyiinta ugu caansan magaalada. Sidoo kale weriye Cabdulqaadir OK oo ka tirsan VOA ayaa dhaawac ah.

Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka xarunta, waxayna wasaaradda ku taalay meel aad u mashquul badan oo isgoys ah.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Shiikh Cabdulqaadir, ku-xigeenka iyo agaasmaha guud ee wasaaradda ayaa gebi ahaanba ka maqnaa xarunta xilliga uu weerarka dhacayey.

Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda ayaa gaaray xarunta weerarka lagu qaaday, waxaana weli xarunta ka dhex dagaalamayo dableydii weerarka soo qaaday, waxaana gudaha xarunta laga maqlayaa dhawaqa qaraxyo culus.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post