1398 Views

Qarax Gaari Lagu Xiray Oo Muqdisho Ka Dhacay

Qarax Gaari Lagu Xiray Oo Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 12, 2019 –Faah faahino dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya Gaari lagu dhejiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay inta u dhaxeysa agagaarka Isgoyska Taleex iyo km4 ee  Wadada Maka Al-Mukarama.

 

Gaariga ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ahaa nooca loo yaqaano Hilux uu qarxay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Taleex,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ku dhaawacmay  Nin u dhashay wadanka Turkiga oo saarnaa,sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo Soomaali ah.

 

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka Turkiga u dhashay ee qaraxaasi ku dhaawacmay uu Injineer ahaa,waxaana gurmad u sameeyey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta gaaray.

 

Todobadyadii la soo dhaafay ayaa Magalada muqdisho waxay amnigeeda aheyd mid wanaagsan,wallow mararka qaar ay ka dhacayaan qaraxyada nooca gawaarida lagu dhejiyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment