813 Views

Shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay oo furmay

Shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay oo furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 3, 2020 –Odayaasha, Waxgaradka & Maamulka degmada Tuliguuleed ayaa waxaa u furmay kulan looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay degmadaaas iyo tuulooyinka hoostaga.

Kulanka oo maalmo socon doona ayaa waxaa goobjoog ka ah Qaar kamid ah Bulshada degmada Tuliguuleed, xidhibaano heerdeegan ah, maamulka dagmada tuli guuleed iyo Odayaasha & Waxgaradka degaanka.

Kulanka inta uu socdo ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlayaa in ay bulshada dagan nawaaxiga dagmada tuliguuled ay ilaaliyaan nabadgaliyada iyo xasiloonida Aagaasi iyo bulshooyinka dariska la ah dagmada tuliguuleed.

Odayaasha Dhaqanka & Maamulka degmada Tuliguuleed ayaa waxaa ay isku raaceen in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo hurineysa colaad beeleed, isla markaana ka hor-imaaneysa xasiloonida.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post