1020 Views

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degaano horleh

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degaano horleh
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 06, 2021 —Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degaano horlehCiidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa saaka gaaray deegaanada Miliqo, dabagalo,Cell cabdi iyo kuwa kale kuwaas oo hoostaga degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in ciidanku ku sii jeedo Xaradheere oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Uurka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janeraal Biixi oo howlgalka horkacayo ayaa kormeeray xaafadaha degaannada ay Ciidamada kala wareegeen Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano hoostaga degmada Xarardheere oo talis weyn u ah Al-Shabaab.

Taliye Biixi ayaa Maalin ka hor sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab loiga saari lahaa guud ahaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post