66 Views

Baarlamaanka dalka oo bilaabaya ka doodista cutubyada Dastuurka

Baarlamaanka dalka oo bilaabaya ka doodista cutubyada Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelisay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta xarunta Aqalka sare kulan kula qaatay guddoonka guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa xubnaha guddiga Dastuurka kala hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen guda galka doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka, qaabka loo hagayo maalmaha doodda iyo jadwalaynta afarata cutub ee ugu horraysa.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo xoghayaha guud ee aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post