1758 Views

Wararkii ugu dambeyay Kiiska Dacwada badda

Wararkii ugu dambeyay Kiiska Dacwada badda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15da Maarso, 2021–Wafdi uu hogaaminaayo ra,iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku sugan Maxkamada.

Masuuliyiinta ku sugan Hogue ayaa xalay ku adkeystay in ay tagayaan maxkamada ayna qaadanayaan doorkooda ayna difaacanayaan badda.

Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga dacwadda badda kaas oo berri ka bilaabmaya maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, sida uu ku warramayo wargeyska Daily Nation.

Wargeyska wuxuu ku warramay in uu arkay dokumenti muujinayo in Kenya ay go’aansatay in aysan ka qeybgeli doonin kiiska isla markaana maxkamadda aysan wax dan ah ka laheyn codsigooda ahaa in dib loo dhigo kiiska cudurka safmarka ee Karoona dartii.

Sidoo kale, wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya oo soo xiganayo ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Kenya la filayo inay gudbiso warqad ay ku sheegeyso in aysan ka qeybgeli doonin dhageysiga dacwadda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post