837 Views

Dowladda oo Walanweyn ka bilaawday kulamo lagu xalinaayo Colaad Beeleedyada

Dowladda oo Walanweyn ka bilaawday kulamo lagu xalinaayo Colaad Beeleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2020 –Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ka jiray dagaal Beeleedyo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega,waxaana dagaaladii ka dhacay ka dhashay qasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wufuud kala duwan u dirtay degmada Walanwyen si xal looga gaaro Colaad Beeleedyo, waxaana halkaasi xalay ku hoyday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil la socotay.

Saraakiisha uu taliyaha hoggaaminayo ayaa degmada walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka bilaabay howlo nabadeed, iyaga oo la kulmay odoyaasha dhaqanka beelaha dirirto dhax martay ee wada dega degmada walanweyn, ayagoo ka wada hadlay sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli lahaa dadka iyo deegaanka.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca boqolaal qoys oo ay dagaalada saameeyeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post