891 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweyne hore Xasan sheekh

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweyne hore Xasan sheekh
____________________________________________________________________________

Talaado: May 3, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay madaxweynihii hore ahna musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo booqday hoygiisa.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo musharax madaxweyne Xasan Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa midnimda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayey arrimaha doorashada madaxweynaha ayaa  Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo jawi nabdoon oo wadar ogol ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post