921 Views

Turkey oo baaraya tobaneeyo qof oo adeegsaday baasabooro gaar ah, oo ay dowladda bixisay oo yurub la iskaga dhiibay

Turkey oo  baaraya tobaneeyo qof oo adeegsaday baasabooro gaar ah, oo ay dowladda bixisay oo yurub la iskaga dhiibay
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Dowladda Turkey ayaa Isniintii sheegtay inay ballaarisay baaritaan lagu sameynayo tobaneeyo qof oo adeegsaday baasabooro gaar ah, oo ay dowladda bixisay, si ay hab sharci ag ugu galaan Yurub, balse aan dib usoo laaban.

Fadeexaddan ayaa qabsatay warbahainta gudaha tan iyo markii ay soo shaac baxday tododbaadkii tegay in 43 qof oo sitay baasaboorka gaarka ah ee midbka cowlka, ama loo yaqaan Grey Passport, ay bishii November galeen Jarmalka, si ay uga qeyb-galaan tababar ku saabsan deegaanka, hase yeeshee aysan dib ugu soo laabn Turkey.

Baasaboorka loo yaqaan Grey Passport ah ayaa ah mid gaar ah oo dowladda ay u sameysay dadka u shaqeeya dowladda ee howlaha shaqo ugu baxa dibedda, taasi oo u ogolaata inay visa la’aan ku galaan dalal badan.

Dadka goostay ayaa waxaa diray dowladda hoose ee gobolka bari ee Malatya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii ku sheegtay in baaritaanka lagu sii ballaarinayo lix dowlad hoose oo ay ku jirto magaalada Ordu ee ku taalla Badda Madow.

Lixdan dowlado hoose ayaa isgu jira kuwa ay maamulaan maayaro kala kala tirsan xisbiga talada haya iyo axsaabta mucaaradka.

Toddobaadkii tegay ,Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shaqada ka joojisay barasaabka gobolka Malatya iyo laba sarkaal oo sare oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka, sababo la xiriira fadeexaddan.

Ilo-wareed ayaa u sheegay website-ka HaberTurk in dadka qaarkiisa ay bixiyeen lacag dhan $7,200, si ay u helaan baasaboorka uguna aadaan Jarmalka, ayaga oo ka qaadanaya dowladda hoose ee magaalada Bingol ee bariga Turkey.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan “450-500” ay aadeen Yurub ayaga oo maraya nidaamkan.

AFP

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post