915 Views

Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Xubin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

____________________________________________________________________________

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee  Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay kusoo bandhigeen Xubin katirsanaa Ururka Al-Shabaab oo ay sheegeen in  uu isku soo dhiibay.

Ninka ay soo bandhigeen Taliska qeybta 60aad oo lagu Magacaabo Maxamed Maxamuud Fanax ayaa la sheegay in uu ka howlgeli jiray degmada Saakow ee Gobolka Jububada Dhexe, isla markaana muddo 5  sano ah uu la Shaqeeynayay Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Maxamuud Fanax oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sababaha uu uga soo baxay Al-Shabaab waxaa uu ku sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan qeybta 60aad oo soo dhaweeyay Maxamed Maxamuud Fanax ayaa uga mahad celiyay in uu gartay kasoo bixitaanka Al-Shabaab, waxaana ay ugu baaqeen Xubnaha kale ee katirsan Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka waxaa kusoo batay Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya, kuwaas oo lagu soo bandhigayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay & degaannada kale ee Maamulka Koonfur Galbeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post