900 Views

dilkii wariyihii u dhashay dalka Sacuudiga Jamaal Khaashuqji oo wali muran ka taaganyahay

dilkii wariyihii u dhashay dalka Sacuudiga  Jamaal Khaashuqji oo  wali muran ka taaganyahay
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

Xilli wakhti badan laga joogo dilkii wariyihii u dhashay dalka Sacuudiga ee Jamaal Khaashuqji, wali waxaa jira arrimo aan faahfaahintooda la ogaanin oo ku saabsan qaabkii loo dilay iyo cidii amaraty dilkiisa, waxaana ilaa iyo hadda aan caalamka ka idlaanin hadal heynta dhacdadaas. Marekanka ayaa lagu wada ainuu maanta shaaciyo warbixin ka ahdleysa dilka weriyahan o ay diyaariyeen sirdoonka dalkaasi.

Jamaal oo ahaa nin si weyn u dhaliila hannaanka maamul ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la waayay 2-dii bishii Oktoobar ee sannadkii 2019-kii mar uu booqday Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istambul ee waddanka Turkiga.

Waxaa goor dambe la xaqiijiyay in lagu dhex dilay gudaha Qunsuliyaddaas, inkastoo aan sharraxaad buuxda laga bixinin sida uu u dhacay dilkiisa, arrintaasoo caro weyn ka abuurtay dunida.

Hadda oo ay dhacdadaas kasoo wareegtay muddo sanad ka badan, waxaa dhagaha dadka la socday warkaas ka guuxaya su’aalo aan wali laga jawaabin.

Aaway meydkiisii?

Tani waa su’aasha ugu weyn ee qof walba uu isweydiinayo.

Markii uu soo ifbaxay warka ku saabsan dilka Jamaal Khaashuqji, dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysay arrintaas waxayna sheegtay in Mr Khaashuqji uu isagoo nabad qaba ka baxay dhismaha Qunsuliyadda.

Balse maamulka madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa soo saaray caddeymo fara badan, waxaana ugu dambeyn xukuumadda Riyaad ay qiratay dilka Jamaal Khaashuqji.

Hase ahaatee ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga halka uu jiro meydkiisii, oo fursad loo waayay in si toos ah loogu tukado salaadda Janaasada.

Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo ka faallooda arrimaha dunida Islaamka, ayaa BBC-da u sheegay in sida ay u badantahay meydkii Khaashuqji aan la heli doonin.

“Waxaa loo maleynayaa in raggii laga soo diray Sucuudiga ay ninkii Jamaal ahaa jarjareen oo ay kiimiko ku shubeen ka dibna ay deeb ama dambas ka dhigeen, saas ayey u dhowdahay”, ayuu yiri.

Yaa ka dambeeyay qorshaha dilkiisa?

Boqortooyada Sacuudiga ayaa maalmihii uu dilka dhacay warar iskhilaafsan kasoo saareysay dhacdadan, taasi oo dhalisay shaki weyn oo ku saabsan in dilka Khaashuqji uu ahaa mid ay dowladda maleegtay.

Dadka tuhunkaas u badinayay inuu dhab yahay waxay si toos ah falkaas ugu eedeeyeen dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxamed Bin Salmaan, inkastoo maamulka Sacuudiga ay eedeyntaas gaashaanka u daruureen.

Wasiirkii arimaha dibadda ee Sacuudiga, Caadil Al Jubeyr, ayaa u sheegay telefishanka Fox News in “dilku” ahaa “khalad weyn” wuxuuna beeniyey in dhaxal sugaha taajka boqortooyada ee awoodda badan uu bixiyay amarka lagu fuliyay falkaas.

Riyaad ayaa ku adkeysatay in dilka Jamaal ay abaabuleen saraakiil aan cidna ka amar qaadanin oo si iskood ah ugu dhaqaaqay falkaas.

Waxay sidoo kale dowladdu sheegtay in ay dhammaan dadkii lagu tuhmay dilkaas cawaaqib wajihi doonaan.

Yaa fuliyay dilka Jamaal Khaashuqji?

Horay waxaa u soo baxay macluumaad muujinayay shaksiyaad lagu tuhunsan yahay iney fuliyeen dilka Jamaal, hase yeeshee, ma jirin caddeymo xaqiijinaya sida ay wax u dhaceen.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay inay aqoonsadeen 15 nin oo laga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin sirdoonka Sucuudiga, kuwaasi oo soo galay kana baxay Istanbuul isla maalinkii la waayay weriye Khaashoqji.

Mid ka mid ah ragga la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Meher Mutreb ayaa ka tirsanaa sirdoonka Sucuudiga waxuuna kasoo shaqeeyay qunsuliyada Sucuudiga ee London, sida ay BBC ogaatay.

Muuqaallo lagu qaaday kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-ga oo ay baahisay warbaahinta Turkiga ayaa muujiyay koox Sucuudiyaan ah oo kasoo dagaya garoonka Istanbul, kaddibna raadsanaya hoteello ay dagaan.

Kooxdaan ayaa ugu dambeyn garoonka Istanbul uga baxday labo diyaaradood oo khaas ah oo u kala duulay magaalooyinka Qaahira iyo Dubay, iyagoo kusii jeeday Sucuudiga.

Laakiin sida uu Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir sheegay waxaa jira isku day lagu doonayo in lagu dilo dhammaan dadka macluumaadka sirta ah ka haya dilkaas.

“Waxay sheegeen Sucuudigu in ilaa 21 nin maxkamad la geynayo, ka dibna way soo yareeyeen tirada oo waxay ka dhigeen 14, laakiin 5 ka mid ah dadkaasna, ninkii maxkamadda keenay wuxuu codsaday in la dilo. Marka waxaad mooddaa in la rabo in dadkii macluumaadka gacanta ku haayay si dhakhso ah loo dilo, si uusan dabka kor ugu sii fananin”.

Xagguu marayaa baaritaanka ku saabsan dilkaas?

Dowladda Sacuudiga ayaa si hoose u wadday baaritaannada la xiriira dilkii Jamaal Khaashuqji, iyadoo aan waxba laga fahmin sida ay u maareynayaan.

Mas’uuliyiin xilal ka hayay qasriga boqortooyada ayaa lagu soo warramay in shaqada laga eryay, intii ay baaritaannada socdeen.

27-kii bishii Disembar 2019-kii , Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada wuxuu xilkii uga baddalay wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas.

Caadil Al Jubeyr ayaa laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo ka hooseeya jagadiisii hore.

Tallaabadan oo u muuqatay mid ciqaab ah ayaa la rumeysanyahay iney salka ku heyso dilkii loo geystay wariye Jamaal Khaashuqji, oo ku caan baxay dhaleeceynta xukuumadda Riyaad.

Xog hayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Mike Pompeo ayaa safar uu maalmahan ku marayay dalalka bariga dhexe ku jooga magaalo madaxda Sacuudiga ee Riyaad.

Mid ka mid ah ujeeddooyinkiisa uu Riyaad u tagay ayaa ah inuu wax ka ogaado halka uu marayo baaritaanka ku saabsan dilkii wariye Khaashuqji.

Caddaalad ma heli doonaa Jamaal?

Kahdiija Kengiz, oo ah haweeney u dhalatay dalka Turkiga, oo uu Jamaal Khaashuqji damacsanaa inuu guursado isla markaana xilligii Qunsuliyadda lagu dilay uu ka doontay warqadaha u sahlaya arooskiisa, ayaa wali u baroor diiqeysa.

Waxay si joogto ah u dalbataa in gacaliyeheedii laga dilay uu helo caddaalad dhammeystiran.

Khadiija ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal kale oo ay ku muujineysay in 100 malmood laga joogo dilkiisa walina uusan xanuunkii ka qafiifin, isla markaana ay caddaalad suge tahay.

“100 casho ayaa gudubtay tan iyo markii aad iga tagtay.

Maali walba waxay iila muuqataa mid aan dhammaaneyn.

100 maalmood ayaan hammiga ku hayay inaad ii soo laabato.

Waxaan Alle ka baryayaa inuu kuwaas kula xisaabtamo ficilladooda”, ayey ku tiri qoraalkeeda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post