345 Views

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo sheegtay weerar ay ciidamadiisu ku hoobteen in lagu soo qaaday

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo sheegtay weerar ay ciidamadiisu ku hoobteen in lagu soo qaaday
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 4, 2023

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay saraakiisha Ruushka in lagala xisaabtami doono khaladka dhacay ee ciidamada Ukraine u suurageliyey iney weeraraan magaalada Mkiivka halkaasina ay ciidamo tira badan ku dilaan.

Moscow waxay weerarkaasi ku sheegtay mid loo adeegsaday gantaalaha mareykanka uu sameeyey ee HIMMARS.

Barayaasha militariga Ruushka ayaa arrintan ku dhaleeceeyay in ay tahay iskuday lagu doonayo in mas’uuliyadda weerarkaasi loo wareejiyo dhibbanayaasha laftooda halka taliyeyaasha ciidamada khaladka la saari lahaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka waxay qiratay in weerarkaasi lagu dilay 89 askari, tiradaasi oo ah tii ugu badneyd oo ay Moscow qirato in dagaal looga dilay.

Balse dowladda Ukraine iyo Ilo xog ogaal ah oo Ruushka ka tirsan waxay sheegayaan askarta weerarkaasi lagu dilay iney aad uga badan tahay inta ay wasaaraddu sheegtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post