1596 Views

Xildhibaano kasoo horjeestay qorsho ay wadaan Madaxda Hir-Shabeelle

Xildhibaano kasoo horjeestay qorsho ay wadaan Madaxda Hir-Shabeelle
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 06, 2020—Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaas ayaa waxaa ay wadaan qorsho ku aadan in degmada Buulo Burde loo sameeyo Gole deegaan,waxaana qorshahaas kasoo horjeestay Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle .

Xildhibaannadaan oo deegaan doorashadoodu ay tahay Buulo Burde ayaa waxaa ay sheegeen in wax alaala wixii xasarado ah ee ka dhaca degmadaas ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Hay’adda CRD oo ay sheegeen inay dhaqaalo ku bixineyso qorshaha lagu dhisayo golle deegaan & Madaxda Hir-Shabeelle.

Waxaa ay ugu baaqeen dadka ku nool degmada Buulo Burde inay ka feejignadaan damaca Madaxda Hir-Shabeelle oo ay sheegeen inay yihiin kuwo aan dan ugu jirin Shacabka.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in dadka ku nool BuuloBurde ay u baahan yihiin in Go’doonka laga qaado si ay u helaan adeegyada Bulshada balse aan la aqbaleyn Maamul iyo Golle deegaan oo aan laga wada tashan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment