723 Views

Degmada Deyniile oo saakay lagu arkay meydadka seddax qof oo dumar ah oo Rasaas lala dhacay.

Degmada Deyniile oo  saakay lagu arkay meydadka seddax qof oo dumar ah oo Rasaas lala dhacay.
____________________________________________________________________________




Axad February 14/2/2021

Wararka ka imaanaya saakay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir  ayaa sheegaya in saakay lagu arkay meydadka seddax qof oo dumar ah.

Meydadka haweenkan waxaa jirkooda ku yaalla rasaas si xun loogu dilay.

Si gaar ah meydadka goobta lagu arkay ayaa ah waaxda Kordamac, gaar ahaan agagaarka War-laliska.

Dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay  in weli aan la aqoonsan meydadka haweenkaas, welina wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka degmada Deyniile.

Falkan oo dadka deegaanka ay aad uga argagaxeen ayaa ku soo aadaya, iyadoo sidaan oo kale habeen hore deegaanka Siinkadheer loo soo dhigay meydadka afar qof oo rasaas madaxa lagala dhacay.


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post