1119 Views

Dhalinyaro soomaaliyeed oo loo qabtay muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Hindiya

Dhalinyaro soomaaliyeed oo loo qabtay muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Hindiya
____________________________________________________________________________

Axad: October 31, 2021

Dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa Muwaadin kale oo Soomaali ah ay ku dileen Magaalada New Delhi ee Caasimadda dalka Hindiya kadib khilaaf soo kala dhex galay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Fiin ayaa kamid ahaa Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada loo geeyay dalkaas, hayeeshee uu sababsaday inay dilaan Soomaali kale.

Ciidamada Booliska Hindiya ee ka howlgalla Magaalada New Delhi ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay dilkaasi u qabteen 7 Ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo loo heysto inay dilkaasi ka dambeeyeen, haatana baaritaano ay ku socdaan.

Mid kamid ah Ardayda Soomaaliyeed ee waxka barata Magaalada New Delhi ayaa sheegay in dhalinyarada dilka u geysatay muwaadinka Soomaaliyeed badankood gacanta lagu haayo, isla markaana muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay uu dhawaan dhameystay waxbarashada.

Caalamka daafihiisa kala duwan ayaa waxaa mar walba sibareer ah loogu dilaa Soomaalida, waxaana jira in dilalkaas ay ka dambeeyaan intooda badan Soomaalida dhexdooda oo khilaaf uu soo kala dhexgalo.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post