357 Views

Shir u dhaxeeyo dalalka Midowga Afrika oo ka furmaya Equatorial Guinea

Shir u dhaxeeyo dalalka Midowga Afrika oo ka furmaya Equatorial Guinea
____________________________________________________________________________

Arbaco:  25/2022

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlayo argagixisada iyo isbedelada aan dastuuriga ahayn ee dowladaha.

Furitaanka Shir ayaa ku beegan maalinta Afrika oo sanad walba loo sameeyo munaasabado lagu xusaayo aas aaska ururka midowga Afrika oo ku began kolkii la aas-aasay 25 May 1963.

Shirkan ayaa daba socda shan afgambi oo dalalka Afrika ka dhacay tan iyo sanadkii 2021, iyadoo sidokale ay barbar socdaan kiisas argagixiso oo ka dhacay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Angola iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo kuwo kale.

Shirka dalalka Midowga Afrika ee ka furmaya Magaalada Malabo ee Equatorial Guinea ayaa waxaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaga qeyb geli doona wafdi heersare ah, kuwaas oo sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda ka qeyb galeysa shirka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post