924 Views

Dowladda Somalia oo furtay Iibka Shatiyada Shidaal baarista dalka

Dowladda Somalia oo furtay Iibka Shatiyada Shidaal baarista dalka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-Dowladda Soomaaliya ayaa furtay Shatiyada la siinayo Shirkadaha loo qorsheeyay in 15 qeybood oo kamid ah Badda Soomaaliya inay ka baaraan shidaalka.

Todobaadakaan gudihiisa ayaa Dowladda Soomaaliya furtay tartanka lagu xaraashayo 15 block ee Badweyne Hindiya ee ku teedsan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Shirkadaha ku guuleysta qandaraasyada qodista shidaalka ayaa qorsuhu yahay in lagu dhawaaqo horaanta sanadka 2021,sida ay sheegeen dad xog-ogaal ah.

Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya ee dhawaan la magacaabay Ibraahim Cali Xuseen oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters horaanta sanadka 2021 qandaraasyada lagu iibinayo shatiyada baarista shidaalka ay soo geba-gabeyn doonaan.

Tijaabada ku saabsan in 15 gobood oo kamid ah Badda Soomaaliya in Shidaal laga qodo ayaa sahan la sameeyay lagu ogaaday in laga heli doono 30 Bilyan ama Barmiil oo Shidaal ah.

Tallaabadaan ay qaaday Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dalka uu ku jiro waqti kala-guur ah iyo in kalsoonidii ay xildhibaannada Golaha Shacabka kala laabteen Xukuumadii Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post