948 Views

Puntland oo shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus ah

Puntland oo shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

.Mogadisho | QOL | May 03 2020–Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisey natiijada baaritaan ay ku sameeyeen dad looga shakisnaa inay qabaan Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus,kaas oo kiisas farabadan laga helay Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo xalay xilli dambe Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la baaray 20 Ruux oo Cudurka looga shakisanaa,isla markaana Cudurka laga helay 12 Ruux.
Wasiirka ayaa cadeeyay in 20 Ruux ee la baaray 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, xanuunkana laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga waayay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23 Ruux, isla markaana hal bukaan ahna uu ugeeriyooday xanuunka.
Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Puntland waxaa uu sheegay in maalmahaan howlaha baaritaanka Cudurka COVID-19 ay hakad ku jiraan sababo la xiriira baahi dhinaca Qalabka wax lagu baaro ah balse ay dib u bilaabeen.
Kiisaska Cusub ee Cudurka Coronavirus ah oo ay Puntland shaacisay kama mid ah 70 kiis oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee la filayo in Wasaaradda ay Galabta shaaciso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment