2187 Views

Madaxweynaha Dalka Oo u Hambalyeeyay Kenyatta

Madaxweynaha Dalka Oo u Hambalyeeyay Kenyatta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 31  Oktoobar 2017 —Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hamabalyo u diray dhiggiisa Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashada ku celiska ahayd ee dalkaas ka dhacday 26kii Bishan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal la soo dhigay Twitter-ka Madaxtooyada ku sheegay in Uhuru Kenyatta uu uga hambalyeynayo guusha uu ka gaaray doorashada waxaana uu u rajeeyay in uu sii socdo Xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Twitter-ka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Aniga oo ka wakiil ah shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan kaaga hambaleynayaa guusha aad ka gaartay doorashadii ka dhacday 26kii Bishan Dalka Kenya”.

Madaxweynayaasha kale ee dalalka Afrika iyo Caalamka intiisa kale ayaa maanta farriin Hambalyo ah u dirayay madaxweynaha Kenya ee ku guuleystay doorashada ku celiska ah ee uu muranka hareeyay.

Madaxda u hambaleyneysay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda oo isna sheegay in shacabka iyo dowladda Kenya ay u hambaleynayaan Madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment