1164 Views

43 qof Soomaali ah oo lagu xiray Islii

43 qof Soomaali ah oo lagu xiray Islii
____________________________________________________________________________

Ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay ku xirxireen ilaa 43 qof oo Soomaali ah kuwaasoo hadda ku jira xabsiga magaalada Nairobi.

 

Dadkan la xirxiray ayaa la sheegay inay u badan yihiin macallimiin iyo arday Soomaali ah kuwaasoo ciidamada boolisku aysan wall cadeynin dambiga loo soo qabtay.

 

 

 

Ciidamada Kenya ayaa dhowaanahan Nairobi ka waday howl-gallo ka dhan ah dadka looga shakisan yahay waxa dalalka Reer Galbeedka ugu yeeraan argagaxisada.

 

Hase yeeshee guddiga amniga Islii ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ardaydan loo beesaday sababo la xiriira inay si sharci-darro ah ku joogeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment