720 Views

Dhalinyaradii Saddexda ahaa ee dhawaan sababo la xiriirka kiiska Ikraan Tahliil loo afduubay oo la sii daayay

Dhalinyaradii Saddexda ahaa ee dhawaan sababo la xiriirka kiiska Ikraan Tahliil loo afduubay oo la sii daayay
____________________________________________________________________________

Isniin: September 6, 2021

dadaal dheer kadib waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in la siidaayo Dhalinyaradii Saddexda ahaa ee dhawaan sababo la xiriirka kiiska Ikraan Tahliil loogu afduubtay Magaaladaasi Beledweyne.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaalo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo maamulka Gobolka Hiiraan, kaas oo ugu dambeyn sababtay in dhalinyarada la siidaayo.

Odoyaasha dhaqanka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa u kala wareejiyey labada Beelood dhalinyaradii Lagu haayey xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadka kunool Magaalada Beledweyne ayaa aad uga carooday afduubka loo geystay dhalinyarada oo qaarkood aad looga yaqaanay Magaalada, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in ay xorriyadooda helaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post