1083 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo  dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi  Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo saacado kooban ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Hole ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Saacadihii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxaa uu kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada Mudane Multaq Alqahtani.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka, iyaga oo isku afgartay in la joogteeyo wadashaqeynta dowladda Qatar iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee todobaadkaan in uu Golihiisa Wasiirada la wadaago waxyaabihii uu kala hadlay ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada Mudane Multaq Alqahtani.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post