1203 Views

9/11: Muxuu sameeyay nin dhowr ilbiriqsi kaliya uga fakaday qaraxyada

9/11: Muxuu sameeyay nin dhowr ilbiriqsi kaliya uga fakaday qaraxyada
____________________________________________________________________________

sabti:  September 11, 2021

Labaatan sano ka hor, Andrew Cullen waxa uu goob joog u ahaa qaraxa diyaarad ku dhacday dabaq dheer oo ku dhagganaa meesha uu ku jiray, waxa uuna u dareemay si la mid ah sidii uu u maqlayay.

Maskaxdiisa ayaa go’aanno kala duwan usoo bandhigtay daqiiqadihii xigay, tallaabo kasta oo uu qaadana waxay ahayd mid saameyn weyn leh.

Go’aan labo labeyn ah oo uu ku taabtay qaybta hoos aadda ee wiishka dhismaha uu ku jiray ayaa noqday kii ugu weynaa ee noloshiisa soo mara.

Taabashada batoonka hoos aadayay, ilbiriqsiyo ka hor inta aysan diyaaraddii labaad ku dhicin daqaba koonfureed ee dhismaha Xarunta Ganacsiga Adduunka 11 September 2001, ayaa sabab u noqotay in Scot uu sii noolaado, qisadaasna ka sheekeeyo labaatan sano kaddib.

Andrew oo ku dhashay magaalada Motherwell ee ka tirsan North Lanarkshire, waxa uu ahaa 10 jir markii uu aabihiis shaqo ka helay Pittsburgh, uuna qoyskiisa u soo raray Mareykanka sanadkii 1980-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post