732 Views

Madaafiic ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel iyo Qasaare ka dhashay

Madaafiic ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel iyo Qasaare ka dhashay
____________________________________________________________________________

Axadi: October 24, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in Madaafiic ay ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel waxayna taasi sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda uga baxsadaan.

Isbitaalka ayaa wax shaqo ah ka socon maanta madaama uu saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka maanta dhacay oo Hoobiyaal u badan.

Isbitaalka Istarliin ayaa ku yaala Wadada isku xirta Schoolka Al Ma’muun iyo Jaamacadda ee dhanka Waqooyi berri degmadda Guriceel.

Xaalada ayaa hadda degan waxaana Rasaas goos goos ah ay ka socotaa aaga Isbitaalka Istarliin iyo Jaamacadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post