564 Views

Puntland oo Sheegtay in sida Al-Shabaab ula dagaalamayaan dadka ka Ganacsada Maandooriyaha

Puntland oo Sheegtay in sida Al-Shabaab ula dagaalamayaan dadka ka Ganacsada Maandooriyaha
____________________________________________________________________________


Axad: January 2, 2022

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya ee lasoo galiyo gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in dadka ka ganacsada waxyaabahaasi ay lamid yihiin Ururka Al-Shabaab .

Waxaa uu tilmaamay in Ciidamda ay amar u qabaan in dadkaasi hadii ay arkaan ay toogtaan, bulshada gobolka Mudug ayuu ugu baaqay in ay iyana soo sheegaan hadii ay arkaan qofka deegannada Mudug soo galinaya waxyaabaha maanka dooriya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa laamaha Amniga Gobolka Mudug waxaa ay wadeen howlgallo ka dhan ah dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada Maandooriyaha, iyaga oo gacanta ku dhigay khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post