1461 Views

Pakistan oo Soomaaliya Maalgashi ku sameyneysa

Pakistan oo Soomaaliya Maalgashi ku sameyneysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Iyadoo kol sii horeysay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Pakistan ay masuuliyiinta iyo shacabka dalkaasi ka dalbatay in Soomaaliya ay maalgashadaan ayaa durbadiiba waxaa hadalka kasoo yeeray  saffaarada u jawaab celiyay shirkad ganacsi oo dalkaasi caan ka ah.

Madaxweyne ku xigeenka Lahore Chamber of Commerce and Industry oo ah shirkad ganacsi oo caalami ah oo dalka Pakistan laga leeyahay Fahimur-Rehman Saigal ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka go’antahay in Soomaaliya ay siyaabo farabadan u maalgashadaan ayna muhiim tahay in Pakistan markaani ay isku balaariso dalalka Afrika gaar ahaan kuwooda Islaamka ah.

Waxa uu sheegay in cilaaqaadka dhanka ganacsiga ah ee labadaasi dal  uu sii kordhaayay marba marka ka dambeysa isagoo si gaar ah u xusay in 2015 ilaamaa 2017 uu xiriirka ganacsi ee Pakistan iyo Soomaaliya in uu meeshii ugu fiicneed gaaray.

“Waxa aynu leenahay awood aan ganacsi xoogan kula yeelan karno Soomaaliya oo dal Islaam ah oo aan ururka iskaashiga Islaamka ka wada tirsanahay waxaana sameyn doonaa hanaan walbo oo lagu sahlayo in dal ku galada ganacsiga ah ee Soomaalida aan siino in aan fududeeno si ganacsiga uu u xoogeysto” ayuu sheegay Madaxweyne ku xigeenka shrikada ganacsiga caalamiga ah ee Lahore Chamber of Commerce and Industry Fahimur-Rehman Saigal.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment