465 Views

War DEG DEG: Boqoradda UK Queen Elizabeth oo goor dhawayd geeriyootay

War DEG DEG: Boqoradda UK Queen Elizabeth oo goor dhawayd geeriyootay
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa maanta geeriyootay ayada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhowaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u billaabeysa boqortooyada.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 1952-kii, markaasi oo ay beddeshay aabaheed Boqor George, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Geerida ayaa lagu dhowaaqsay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Waxay ka tagtay afar carruur oo kala ah; Prince Charles, oo ah73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

Isha: AFP + VOA



Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post