963 Views

Wasiirka warfaafinta oo khudbad wadaniyada ku saabsan u jeediyay ardayda Soomaaliyeed ee Kampala

Wasiirka warfaafinta oo khudbad wadaniyada ku saabsan u jeediyay ardayda Soomaaliyeed ee Kampala
____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 202

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sen. Cusmaan Abokar (Dubbe) ayaa khudbad ku saabsaneyd wadaniyadda iyo isku xirnaanta ardayda ayaa ka dhacday magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa kasoo qayb galay ardayda waxkabarata dalka Uganda.

Guddoomiye ku-xigeenka ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda Cabdiqaadir Xasan iyo Naciima Maxamed ayaa sheegay in ay farxad u tahay in wasiirka khudbad u jeediyo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cusmaan Dubbe ayaa ardayda kala dardaarmay muhiimadda ay leedahay wadiniyadda iyo in uu yahay dalka wax walba ka muhiimsan yahay oo dal la’aantii dadku aysan jirin.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta XFS Sen. Cusmaan Abokar (Dubbe) ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan midnimadooda oo aysan isku khilaafin reero reero iyo IWM.

Kulankaas ayaa waxa uu kusoo dhamaaday jawi qurxoon oo ardayda wax badan ka faa’ideen khudbadaas qiimaha lahayd.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post