945 Views

Puntland oo sheegtay inay qabatey Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish

Puntland oo sheegtay inay qabatey Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Isiin     , March 23, 2020 —Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafey waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,howlgalkaas oo la sheegay in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey.

 

Howlgalkaan ayaa waxaa sigaar ah u fulinayey Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta,waxaana War kasoo baxey lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtey Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab & Daacish iyo Agab ay wadeen.

 

 

 

Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas cadowga ah ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat ayaa lagu yiri”Warka Ciidamada PSF-ta.

 

Maalma ka hor ayaa sidaan oo kale laamaha Ammaanka Mamaulka puntland waxaa ay shaaciyeen inay howlgal kusoo qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari walow aysan soo bandhigin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment