1974 Views

Sawirro:-Wafdi Kasocda Maamulka Putland Oo Gaaray Magalada Baydhabo

Sawirro:-Wafdi Kasocda Maamulka Putland Oo Gaaray Magalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2019 –Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda Dowlad goboleedka Puntland,kuwaas oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafiga waxaa hoggaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed  dhoobo Daareed,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ka socda Puntland oo ahaa kii ugu horeeyay ee taga Magalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,ayaa waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada Maamulkaas,iyaga oo kulan la qaadan doona Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Magalada Baydhabo ay gaaraan wafdi ka socda Dowladda Federaalka,kuwaas oo iyana ka qeybgeli doona Xaflada Calaamo saarka Madaxweynaah KGS.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment