876 Views

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo dib u dhigay doorashada xubnaha Aqalka Sare

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo dib u dhigay doorashada xubnaha Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Isniin: September 27, 2021

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta  musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si Baru  28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.”

Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Sidoo kale Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post