903 Views

Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo amar la dhul-dhigay

Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo amar la dhul-dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 12, 2021—Kusimaha madaxweynaha ahna Madaxwayne kuxigeenka Galmudug  Cali Daahir Ciid ayaa socdaal loogu kuur galayo xaaladda amniga ku kormeeray  caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxwayne kuxigeenka galmudug  Cali Daahir Ciid oo ay wehlinayeen  laamaha amniga magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa ay socdaal ku mareen Goobaha ay Bulsahda isugu timaado iyo suuqada muhimka ah ee magaalada dhuusamreeb

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa kormeeray saldhiga booliska caasimadda dhuusamareeb waxa uuna warbixin guud ka dhagaystay Saraakiisha saldhiga booliska caasimadda dhuusamareeb, iyaga oo warbixin kooban ka siiyay madaxwaynaha kiisaskii ugu dambeeyay , waxaana uu faray laamaha amniga inay dardar geliyaan sugida Amniga Caasimadda.

Kormeerkan ayaa ah mid uu madaxwayne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid  ugu kuur galayo xaaladda amniga caasimadda taasi oo la filayo inay ka bilowdaan doorashooyinka  Xildhibaannada labada aqal.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post