1695 Views

Madaxda Galmudug oo isku khilaafay xilka qaadista Guddoomiye degmo

Madaxda Galmudug oo isku khilaafay xilka qaadista Guddoomiye degmo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 01- 2018 –Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu xilka uga qaaday Guddoomiyihii degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud Jaamac Xayle Maxamed.

Xilka qaadista Guddoomiyihii Balanbale ayaa waxa ay abuurtay khilaaf cusub oo soo kala dhexgala Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Maxamed (Carabey).

Guddoomiyaha degmada Balanbale ee xilka laga qaaday Jaamac Xayle Maxamed oo la hadlay  Qaranimo Online ayaa waxa uu sheegay xilka qaadistiisa inay ka dhalatay Hay’ad degaanka ka shaqeyneysay oo shaqo joojin uu ku sameeyay.

Wuxuu sheegay caro arrintaasi ka dhalatay warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka in xilka looga qaaday, balse wuxuu tilmaamay inuu la soo xiriiray Madaxweynaha Galmudug oo uu ku amray inuu sii wato shaqadiisa.

“Xuquuqdii dadweynaha oo la lun saday ilaalinteeda waxay keentay in Madaxweyne kuxigeenka uu xilka iga qaaday, isqab qabsi ka dhashay Hay’ad aan shaqada ka joojiyay ayaan xilkeyga ku waayay, Madaxweyne Xaaf ayaa ila soo xiriiray wuxuu igu amray inaan shaqada wado, aniga waxaan diyaar u ahay inaan ku shaqeeyo amarka Madaxweynaha Galmudug.” Ayuu yiri Gudoomiye Jaamac Xayle.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment